Hargeysa – Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, Maareeyaha Hamaha Shiidaalka Berbera Maxamed Sadiiq Dhamme iyo Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka Maxamed Faarax, Ayaa magaalada Hargeysa ku qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland Xasan Cumar Hurre.
Kulankan ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayay xaaladda guud ee qurbajoogta Somaliland ee ku dhaqan dalka Finland iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka iyo dibloomaasiyadda Somaliland.
Guddoomiye Xasan Cumar Hurre ayaa masuuliyiinta xukuumadda siiyay xog-waran waafi ah oo ku saabsan nolosha, isku-duubnida, iyo xaaladda guud ee Soomaalilanders-ka ku dhaqan dalka Finland.
Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay hawlaha iyo dedaallada samaynta leh ee ay Jaaliyaddu ka wado dalka Finland, kuwaas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta labada dhinac, doorka wacyigelin iyo ololaha aqoonsi-raadinta dowladda Somaliland ee qaaradda Yurub.
Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ayaa bogaadiyay doorka ay qaranimada ka ciyaarayaan qurbajoogta Finland, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xidhiidhka ka dhexeya hay'adaha dowladda iyo jaaliyadaha dibadda si loo gaaro yoolalka horumarineed iyo dibloomaasiyadeed.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulammada ay xukuumadu ku dhiirrigelinayso qurbajoogta Somaliland ee doorka firfircoon ka qaadanaya qaddiyadda iyo horumarka dalka.