๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ โ€” ๐Ÿฎ๐Ÿด ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ-Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa magaalada Hargeysa ka daahfurtay Aqoon-is-weydaarsiga Isku-dubbaridka iyo Iswaafajinta Guddiyada Farsamo (Technical Working Groups โ€“ TWGs) ee Isku-xidhka Gargaarka Baniโ€™aadannimada, Horumarinta iyo Nabad-dhisidda (HDP Nexus,).

Kulankan oo soconaya muddo laba cisho ah, waxaa ka qaybgalaya guddoomiyeyaasha iyo guddoomiye-ku-xigeennada Guddiyada Farsamo ee HDP Nexus, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo bahwadaagta horumarinta ee ka shaqaysa taageerada baniโ€™aadantinimo, horumarinta iyo nabadaynta.

Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigu waa in la xoojiyo isku-dubbaridka iyo wada-shaqaynta Guddiyada Farsamo, lana caddeeyo waajibaadka iyo masuuliyadaha guddiyada, mudnaanta hawlahooda iyo wax-soo-saarka laga filayo, iyadoo la aqoonsanayo meelaha ay guddiyadu iska kaashan karaan iyo meelaha u baahan isku-xidh iyo iswaafajin dheeraad ah.

Intii kulanku socday, guddoomiyeyaasha iyo guddoomiye-ku-xigeennada Guddiyada Farsamo ayaa soo bandhigay doorka iyo waajibaadka guddiyadooda, mudnaanta iyo wax-soo-saarka muhiimka ah ee muddada dhow, iyo taageerada iyo xogta ay uga baahan yihiin guddiyada kale, iyo sidoo kale taageerada ay iyagu siin karaan.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay isku-xidhka hawlaha guddiyada, xoojinta iskaashiga kaabista, caddeynta waajibaadka iyo masuuliyadaha, iyo isku-dubbaridka mudnaanta iyo natiijooyinka muhiimka ah ee laga filayo guddi kasta.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo kulanka daah furtay ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay in Guddiyada Farsamo ay yeeshaan wada-shaqayn iyo isku-xidhnaan joogto ah, si loo xaqiijiyo in dadaallada Dowladda iyo bahwadaagta horumarintu ay u socdaan si isku xidhan, isla markaana ay si toos ah uga jawaabayaan mudnaanta qaranka iyo baahiyaha bulshada.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa si wadajir ah uga qaybqaadanaya Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo bahwadaagta horumarinta, kuwaas oo ka wada shaqaynaya xoojinta habka HDP Nexus iyo isku-xidhka taageerada baniโ€™aadantinimo, horumarinta iyo nabadaynta.

Ugu dambayn, aqoon-is-weydaarsigan oo soconaya laba cisho ayaa la filayaa inay ka soo baxaan tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu sii xoojinayo isku-dubbaridka, wada-shaqaynta iyo iswaafajinta hawlaha Guddiyada Farsamo ee HDP Nexus.