Hargeysa — Dalladda Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO Umbrella waxay soo dhawaynaysaa daahfurka barnaamijka ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu talagashay maalgelinta dhallinyarada, kaas oo ay ku baxayso lacag dhan USD 500,000.

Barnaamijkani wuxuu tallaabo muhiim ah u yahay taageeridda hal-abuurka, ganacsiga, shaqo-abuurka iyo isku-filnaanshaha dhaqaale ee dhallinyarada Somaliland. Waxaannu rajaynaynaa inuu gacan ka geysto sidii dhallinyarada leh fikrado wax-ku-ool ah loogu abuuri lahaa fursado ay ku hirgeliyaan hindisayaashooda, kuna horumariyaan noloshooda iyo bulshooyinka ay ka soo jeedaan.

SONYO Umbrella waxay door taariikhi ah ku lahayd curinta fikradda iyo aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland. Dalladdu waxay muddo dheer u ololaynaysay in la sameeyo hannaan maaliyadeed oo joogto ah, kaas oo dhallinyarada u fududeeya inay helaan maalgelin, tababar, hagitaan iyo fursado ay ku kobciyaan ganacsigooda iyo xirfadahooda.

Maanta, SONYO Umbrella waxay xubin muhiim ah ka tahay Guddiga Sare ee maamula Sanduuqa, iyadoo halkaas ku matalaysa codka, baahiyaha iyo himilooyinka dhallinyarada Somaliland. Ka qaybgalka SONYO ee Guddigu wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in qorshayaasha iyo go’aannada Sanduuqu ka tarjumaan duruufaha dhabta ah ee dhallinyarada iyo mudnaanta horumarineed ee ay leeyihiin.

Kadib doorashadii Golaha 11-aad ee SONYO Umbrella, shirkii ugu horreeyey ee Guddiga Sanduuqa ayaa lagu go’aamiyey in dhaqaalaha la heli karo loo jiheeyo maalgelinta dhallinyarada. Daahfurka barnaamijkan USD 500,000 ah wuxuu muujinayaa tallaabo wax-ku-ool ah oo loo qaaday fulinta go’aankaas iyo hirgelinta himiladii loo aasaasay Sanduuqa.

Waxaannu bogaadinaynaa Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, maamulka Sanduuqa, Guddiga Sare iyo dhammaan masuuliyiinta ka qaybqaatay diyaarinta iyo daahfurka barnaamijkan. Dadaalkoodu wuxuu muhiim u yahay dhisidda nidaam taageera kartida, hal-abuurka iyo awoodda dhaqaale ee dhallinyarada Somaliland.

SONYO Umbrella waxay ku talinaysaa in hirgelinta maalgelintan lagu saleeyo mabaadi’da soo socda:

- In habka codsiga, xulashada iyo bixinta maalgelintu noqdo mid cad, hufan oo la wada fahmi karo;

- In dhammaan codsadayaasha loo helo fursad siman oo aan ku xidhnayn deegaan, xidhiidh ama duruufo kale oo aan khusayn kartida iyo tayada fikradda;

- In maalgelintu gaadho dhallinyarada gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland;

- In si gaar ah loo tixgeliyo haweenka dhallinyarada ah, dadka naafada ah, dhallinyarada miyiga iyo kooxaha fursadaha kooban haysta;

- In la bixiyo tababarro ku saabsan maamulka ganacsiga, diyaarinta qorshe ganacsi, suuq-geynta iyo maaraynta maaliyadda;

- In codsadayaasha la siiyo xog iyo hagitaan ku filan oo ku saabsan shuruudaha iyo habraaca maalgelinta;

- In la sameeyo nidaam dabagal iyo qiimayn ah oo lagu xaqiijinayo in dhaqaalaha loo isticmaalo ujeeddadii loo bixiyey;

- In si joogto ah bulshada loogu soo bandhigo natiijooyinka, tirada dhallinyarada ka faa’iidaysatay iyo saamaynta maalgelintu abuurtay.

Maalgelinta keliya kuma filna guusha ganacsiga dhallinyarada. Waxaa muhiim ah in maalgelinta lagu daro tababar, la-talin, hagitaan joogto ah, isku-xidh suuqa iyo dabagal. Taageeradaas isku dhafan waxay kordhin kartaa fursadda ay ganacsiyada dhallinyaradu ku sii jiri karaan, shaqooyin cusubna ku abuuri karaan.

SONYO Umbrella waxay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato wacyigelinta dhallinyarada, gaadhsiinta macluumaadka gobollada, dhiirrigelinta codsiyada tayada leh, ururinta aragtida dhallinyarada iyo dabagalka habka hirgelinta barnaamijka. Dalladdu waxay sidoo kale sii xoojin doontaa wada-shaqaynta ay la leedahay Xukuumadda, Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, hay’adaha horumarinta, ganacsatada iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaannu ugu baaqaynaa dhallinyarada Somaliland inay fursaddan uga faa’iidaystaan si masuuliyad leh, una diyaariyaan fikrado ganacsi oo la fulin karo, leh qorshe cad, isla markaana wax ka qabanaya baahiyaha bulshada iyo suuqa. Dhallinyaradu waa inay maalgelinta u arkaan fursad lagu dhisayo ganacsi waara, lagu abuuro shaqooyin, laguna horumariyo dhaqaalaha dalka.

SONYO Umbrella waxay rajaynaysaa in barnaamijkani noqdo bilowga maalgelin joogto ah oo sannad kasta sii kordha, isla markaana Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradu noqdo hay’ad awood leh, hufan oo si dhab ah uga jawaabta baahiyaha dhallinyarada Somaliland.

Maalgelinta dhallinyaradu waa maalgelinta mustaqbalka Somaliland.

Mustafe Dayib Abdillahi

Guddoomiyaha

SONYO Umbrella.