Sidaa darteed, waa in dhammaan qurbajoogtu ay u diyaar-garoobaan qorshe miisaan leh, kaas oo ah in qoys walba oo qurbajoog ah uu damaanad-qaado hal agoon waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisa.


​Si hadafkan loo xaqiijiyo, annagoo ah Shabakadda Isku-xidhka Samafalka, waxaan si hufan u dhex-dhexaadinaynaa oo aan isku xidhaynaa hooyada dhashay agoonka iyo samafalaha raba inuu kafaalo-qaado waxbarashada ilmahaas.


​Hab-raaca Isku-xidhka (Operational Framework):

​Isku-xidhka Tooska ah (Direct Matchmaking): Waxaan samaynaynaa xidhiidh toos ah oo dhexmara hooyada agoonka iyo deeq-bixiyaha si loo xaqiijiyo kalsooni iyo hufnaan plotform-ka ah.


​Maamulka Kafaalada (Sponsorship Management): Shabakadu waxay hubinaysaa in agoon kasta uu helo lacagta waxbarashada, iyadoo la raacayo warbixinno xilliyeed ah oo ku saabsan horumarka waxbarasho ee ilmaha.


​Joogteynta Taakulaynta (Sustainability of Support): Qorshuhu wuxuu ujeedkiisu yahay in kafaalad-qaadku uu ahaado mid iskaashi fog ah oo socda ilaa uu ilmaha agoonka ahi ka dhammaysto heerarka asaasiga ah ee waxbarashada.


​"Kafaalo-qaadka waxbarashadu waa maalgashiga ugu qiimaha badan ee aad ku badbaadin karto mustaqbalka ilmo agoon ah, adigoo kor u qaadaya qoys dhan."


​Ku biir shabakada, oo noqo sababta uu ilmo agoon ahi ku barto aqoon bedesha noloshiisa, nolosha qoyuskiisa iyo ta qaran kaba