Hargeysa – Talosan Law Firm and Legal Services waxay si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa ansixinta iyo magacaabista maamulka cusub ee shirkadda, kadib kulan gaar ah oo ay yeesheen hoggaanka sare ee shirkaddu maanta, oo Tr 01Oktoobar 2026.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee shirkaddu ku xoojinayso hannaanka maamulkeeda, tayeynta adeegyada sharci, iyo horumarinta jihada istiraatiijiga ah ee shirkadda.
MAAMULKA CUSUB.
Kulanka ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey xubnaha hoos ku xusan inay qabtaan xilalka hoggaamineed ee shirkadda:
Garyaqaan Yuusuf Biixi Muxumed
Guddoomiyaha Shirkadda
Garyaqaan Cabdiraxmaan Ibraahin Caalin
Guddoomiye Ku-xigeenka Shirkadda
Garyaqaan Hibo Axmed Magan
Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda
BALLANQAADKA MAAMULKA CUSUB
Maamulkaka cusub waxaa loo igmaday inay hoggaamiyaan hawlaha shirkadda, xoojiyaan hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka, isla markaana sii horumariyaan tayada iyo baaxadda adeegyada sharci ee ay Talosan Law Firm and Legal Services u fidiso macaamiisheeda.
Talosan Law Firm and Legal Services waxay aaminsan tahay in hoggaan tayo leh, khibrad xirfadeed, daacadnimo iyo ilaalinta mabaadi’da sharcigu ay yihiin tiirarka aasaasiga u ah dhismaha hay’ad sharci oo lagu kalsoonaan karo.
Shirkaddu waxay sidoo kale dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay xirfad-yaqaannimo, hufnaan, ilaalinta sirta macaamiisha, u hoggaansanaanta sharciga iyo anshaxa mihnadda sharciga, iyadoo mudnaanta siinaysa danaha iyo kalsoonida macaamiisheeda.
SOO DHAWEEYN IYO MAHADNAQ
Bahweynta Talosan Law Firm and Legal Services waxay si diirran u soo dhoweynaysaa hoggaanka cusub, iyadoo u rajaynaysa xil-gudasho hufan, guul iyo horumar waara.
Shirkaddu waxay u mahadcelinaysaa macaamiisheeda, bahwadaagta, qareennada iyo dhammaan dhinacyada ay wada shaqaynta la leedahay, iyadoo ku adkaysanaysa inay sii waddo dhismaha hay’ad sharci oo ku salaysan kalsooni, aqoon, hufnaan iyo heerar xirfadeed oo sarreeya.
Talosan Law Firm and Legal Services waxay rajaynaysaa in marxaladdan cusub ee hoggaamineed ay sii xoojiso awoodda shirkadda, tayada adeegyada ay bixiso iyo doorkeeda ku aaddan horumarinta adeegyada sharci.
ALLAA MAHAD LEH.