Hargeysa – Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 Agoosto 2026, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyadoo kaashanaysa Hay’adda UNICEF, waxay Hotel Sarena Sarover ku qabatay kulan lagu faafiyey dukumentiga kama dambaysta ah ee Climate Rational and WASH.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha iyo madax ka socotay Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda maaliyada iyo Hay’adda UNICEF iyo la-taliyayaal.
Kulanka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Ujeeddada mashruucan ayaa ahayd xoojinta iskaashiga hay’adaha iyo hubinta in adeegyada Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda (WASH) ay noqdaan kuwo u adkaysata saamaynta isbeddelka cimilada ee Somaliland.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada WASH iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ay noqdaan kuwo waara oo u diyaarsan caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.