ACCRA – Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, oo ay weheliyaan sarakiil ka tirsan Baanka , ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee hay’adaha maaliyadeed shirkaas oo ay soo qaban qaabisay hay’adda MojaLoop, oo lagu  qabtay magaaladda Accra, Ghana.

Kullanka waxaa ka soo qaybgalay bangiyada  dhexe, bangiyada gaarka loo leeyahay, shirkadaha lacag-bixinta, FinTechs iyo hay’ado kale oo ka shaqeeya horumarinta nidaamyada lacag-bixinta ee National Payment Systems (NPS).

Guddoomiye Ku-xigeenka oo khudbad ka jeediyey shirka, isagoo soo bandhigay horumarka Somaliland ee nidaamka lacag-bixinta, qorshaha Somaliland inclusive Instant Payment System (SL-IIPS), iyo muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay isku-xidhka bangiyada, shirkadaha lacagaha mobilka iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed.

Sarakiisha Baanka Somaliland waxay sidoo kale ka qaybqaateen kullamo farsamo iyo dooddo ku saabsan qaab-dhismeedka nidaamka lacag bixinta ee degdega ah (Instant Payment System (IPS)), amniga, iyo isku-xidhka hay’adaha maaliyadeed. 

Ka-qaybgalka shirka wuxuu Baanka Somaliland u ahaa fursad muhiim ah oo lagu wadaagay khibrad, laga helay aqoon farsamo, laguna xoojiyey iskaashiga Baanka dhexe uu la leeyahay hay’adaha MojaLoop, AfricaNenda, iyo Gates Foundation, kuwaas oo Baanka dhexe kala shaqeeya dhisida nidaamka lacag-bixinta degdegga ah ee qaranka .