Gabiley– Duqa Magaalada Gabiley Mudane Mursal Maxamed Jaamac ayaa Xafiiskiisa kulan muhiim ah kula qaatay qurbajoogta reer Gabiley ee ku nool dalka UK.
Kulanka waxaa Duqa ku wehelinayey Maayar Ku-xigeenka Gabiley Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi, Xildhibaan Maxamed Dayib, Marwo Filsan Xuseen Khaliif Iyo Marwo Fadumo Maxamed, oo ah sarkaalad ka tirsan Ciidanka Socdaalka Somaliland.
Kulankan oo ay Ujeedadiisu ahayd Sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Dhinacyadda Horumarka, Maalgashiga, Dhaqaalaha, Isla markaana la Kobcin lahaa kaalinta Qurbajoogtu Ku leedahay Horumarinta Adeegyadda Iyo Horumarinta Magaaladda.
Duqa ayaa uga mahadceliyey Qurbajoogta reer Gabiley ee Dalka UK doorka ay mar walba ku leeyihiin Taageeradda Iyo Horumarinta Dalkooda, Dadkooda Iyo Deegaankooda, Isagoo oo tilmaamay in qurbajoogtu yihiin qayb muhiim ah oo kamida bulshada Gabiley, isla markaana khibraddooda, aqoontooda iyo awooddooda dhaqaale lagu biirin karo qorshayaasha horumarineed ee magaalada.
Dhankooda, Qurbajoogta Reer Gabiley ee ku nool dalka UK ayaa Duqa Magaalada Iyo masuuliyiinta uga mahadceliyey kulankankan iyo soo dhawaynta, Iyagoo Xusay sida ay uga go’an tahay inay qaybtooda ka qaataan Horumarinta Magaalada Gabiley, Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen qorshayaasha cusub ee Dawladda Hoose, Iyagoo Balanqaaday inay sii xoojin doonaan Iskaashiga, Maalgashiga Iyo taageerada Horumarka Gabiley.